Markab

wel come somalidutch media

Korneyl Yusuf oo ka fiirsanaya magangalyadiisa siyaasadeed
horgaynayaa Berri Barlamanka

     .Col.Cabdullahi Yuusuf oo lagu wado inuu is casilo todobaadkaan

dhamaadkiisa ayey warar hoose sheegayaan inuu ka fikirayo dalalka Uganda iyo Yemen midkii uu magangalyo siyaasadeed u degi

lahaa.

Madaxda Uganda iyo Yemen ayaa labada u ogolaaday Korneyl Cabdulahi Yusuf Ahmed inay siiyaan magangalyo siyaasadeed waloow

uusan ku qanacsaneyn inuu Somalia ka noqdo dibad joog siyaasadeed,sida uu sheegay Afhayeenkiisa Xuubsireed Beesha caalamka,

IGAD & Itobiya ayaa iyagu waayahan danbe il gaar ah ku hayay madaxweyne Yuusuf, ka dib markii uu ka biyo diiday talooyinkii

loo soo jeediyay.

Saraakiisha Maraykanka ee ku sugan magaalada Nairobi ayaa laga soo weriyay in Cabdullahi Yuusuf xilka wareejin doono maalinka

sabtida ah (27/12/08), waxay kaloo sheegeen in uu is casilaada ka hor shir jaraa,id qaban doono, kuna qaban doono magaalada

Baydhabo, ka dibna uu hor tagi doono Barlamanka Somalia, halkaas oo uu ka sheegi doono in waqtigaas wixii ka danbeeya aanu

Madaxweyne dalka ka ahayn.

Wararka ka soo baxaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in Cabdullahi Yuusuf uu ka samayn doono Isbahaysi uu ku mideeyay dhamaan

taageerayaashiisa, laakin isagu kuma uu sugnaan doono wadanka gudahiisa.

Warar aan la hubin oo dadka badankiis u arkaan dacaayad ayaa sheegaya in uu Cabdullahi Yuusuf ka mid yahay musharaxiinta u

taagan maamulka Puntland.

Si kastaba, Madaxweynaha Somaliya ee gabalkiisu sii dhacayo ayaa lagu wada in uu magaalada Muqdisho gaaro, si uu qalabka &

saanada ka taala Villa Somalia uga rarto waloow aan la ogayn suurtagalnimada inuu hubkiisa ula wareego Puntland.

Madaxweyne Yuusuf oo ay farxad xumo hareysay taageerayaashiisa,waxaa uu yahay nin gacantii la siiyay dib loogu dharbaaxay

maxaa yeelay Ethiopia la’aanteed maalin kuma ladeen Madaxtooyadda Somalia.

somalidutch

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *